Dowladda Soomaaliya oo ka dalbtay Amisom in ay baarto eedda

Sida lagu sheegay Warqadda tirsigeedu yahay OP/NSA/0834/02 oo uu ku saxiixan yahay la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; kuna socotay danjire Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Askar katirsan Amisom ayaa rasaas ku furtay muwaadin Soomaali ah 12-Sep-2020 oo ku beegnayd todobaadkii ugu dambeeyey bisha September.

Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya-Photo / Ilyas Ahmed

Sida lagu muujiyey xaashida dowladda Soomaaliya ayaa aad uga Welwelsan Sawirro iyo muuqaallo horor ah oo lagu sheegay Warqadda in la baahiyey, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay Amisom in ay dhacdadan kusameyso baaritaan degdeg ah islamarkaana daahfuran.

Xaashida la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; ayaa lagu yiri: “Waxa aan ka codsaneynaa ergada midowga Afrika ee joogta Soomaaliya in ay baaritaanada hordhaca ah la wadaagto ama tusto xukuumadda Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa aan dalbaneynaa in la soo sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhammeeyo baaritaanka si ay u suuragasho in la xisaabiyo kuwa ku lugta leh

Midig: Abdisaid M. Ali, la taliyaha Ammaanka qaranka ee MW Farmaajo

Sida ay shaaciyeen hay’adaha Human Rights Watch & Amnesty International ciidanka Amisom ayaa Soomaaliya ka geystay tacadiyo kaladuwan oo lid ku ah xuquuqda aadanaha hayeeshee AMISOM ayaa diidday eedaha loo jeediyey ee la xiriira ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha.

Ciidanka howlgalka midowga Afrika ayaa dhowr mar oo hore geystay dilka dad rayid ah

AMISOM Letter

Axadle Media 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More