Dowladda Kenya oo dib u dhigtay go’aanka ka dhanka ah Soomaalida + Sababta – Axadle

Nairobi (Axadle) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhigtay xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan boqolaal kun oo Soomaali ah.

Go’aanka ayaa looga dhawaaqay Kenya shalay kadib kulan dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxa UNHCR Filippo Grandi.

Kenya waxay sheegtay inay xireyso xeryaha ugu dambeyn 30-ka Juun, 2022. Guddi ka socda dowladda Kenya iyo UN-ka ayaa bilaabaya qorshe ay ku dedejinayaan xiritaanka xeryaha laga bilaabo 5-ta bisha May, 2022-ka, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda Kenya.

Qaxootiga waxaa dib loogu celin doonaa wadamadii ay ka yimaadeen. Qaar ka mid ah qaxootiga Bariga Afrika ayaa sidoo kale fursad u heli doona inay helaan ruqsad shaqo oo ay uga shaqeeyaan Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in hada ay ku sugan yihiin xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma qaxooti gaaraya 433,765. Bishii la soo dhaafay, dowladda Kenya waxay cusbooneysiisay go’aankeeda ah inay xireyso xeryaha.

Amnesty International waxay soo dhaweysay go’aanka dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in go’aanka lagu xiray xeryaha qaxootiga uu ahaa mid arrimo siyaasadeed laga lahaa, iyadoo Kenya ay beegsaneyso Soomaalida xilli dowladda federaalka ay ku jirto khilaaf.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More