Dowladda Jabuuti oo Muqdisho soo gaarsiisay diyaarad gargaar sida.

748,517

Diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadka ay fatahaaddu saamaysay oo ay soo dirtay dawladda Jabuuti ayaa soo gaartay Muqdisho.

- Advertisement -

Gargaarkan ayaa ah wejigii labaad ee Dowladda Jabuuti ay kaga qeyb qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiyadaa gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Gar gaar isugu jira daawo, Joodariyaal,Maro kaneeco iyo teendhooyin loogu talagalay inay hooy ka sameeystaan dadka ka barakacay guryahooda ayay keentay diyaaradan.

Safiirka Jabuuti Aadan Xasan Aadan oo ku wareejiyay gudiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin walaalo islamarakaana ay la qeybsanayaan dhibaatada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More