Dowladda Australia waxay soosaartay digniin kusaabsan Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya

Dowladda Australia ayaa ku tilmaamtay howlgalada ay wadaan Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya inay yihiin qatar argagixiso.

12,476

Dowladda Australia waxay soosaartay digniin kusaabsan. Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya loo aqoonsaday. In ay yihiin argagixiso sidoo kalena uu qatar ku yahay amaanka dadka dalka Australia.

Agaasime ku xigeenka Hay’adda sirdoonka dalka Australia Heather Cook. Ayaa xukuumadda u gudbisay soo jeedin ay sameeyeen Guddiga sirdoonka ee dalka Australia.

Qoraalka ay Gudbiyeen. Guddiga ee dowladda ogolaatay ayaa waxaa ku xusan in Dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ay xiriir la yeelan karaan Daacishta Soomaaliya.

Waxyaabaha laga digay waxaa ka mid ah in ay geystaan Afduub una geystaan dad Reer Galbeed ah iyo kuwa u dhashay Australia.

Dowladda Australia ayaa sheegtay in Daacishta Soomaaliya ay aas aasantay shan sano ka hor islamarkaana weerarro ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa weerarro ka dhacay Dalka Australia waxaa geystay dad Soomaali ah,waxaana mas’uuliyadda weerarradaas sheegatay Kooxda Daacish.

Isha: sbs.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More