#Dowlada oo xirtay Sarkaal Xaaskiisii hore asagoo dilay baraha Bulshada lasoo dhigay

2

Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Sarkaal baraha bulshada kasoo muuqday asagoo goob fagaaro ah ku dilay Xaaskiisii hore.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay xabsiga dhigtay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in sarkaalka la xiray laga soo qabtay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, iyadoo wasaaradu sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xadgudubka loo geysto dadka shacabka ah.

Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabayay Yuusuf Xundubey, waxaa uu ka soo muuqda muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd Xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda oo aan faahfaahin kale ka bizin sarkaalka falka uu sameeyay iyo magaciisa.

Muuqaalka baraha bulshada hareeyay ayaa ahaa mid ay si toos ah ama Live u soo gashay gabadha xilliga muranka u dhaxeeyay, waxaana sarkaalka xilligaas uu xirnaa dharka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo Dowlada Soomaaliya ay xirto Sarkaal loo heysto xad gudub uu u geystay haweenka gaar ahaan xaaska u dhaxa Ciidamada Dowlada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More