Dowlada Mareykanka oo ka hadashay sababta ay xayiraada kaga qaaday Abuu Mansuur

5

Sida uu ku qoray wargeyska National Post ee kasoo baxa dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibbada Maraykanka.

ayaa baahiyay in sabbabta dadka loogu doon doonista badan yahay Al-Shabab dhexdooda looga saaray Sh, Mukhtaar Roobow Cali oo Abuu Mansuur loo yaqaan ay tahay dawlada Soomaaliya ooo wada hadal kula jirta hogaamiyahaan mar noqday qofka labaad ee Al-Shabab ugu sareeya.

Warkaan waxaa lagu  sheegay in Roobow  uu horey uga dhex baxay Al-Shabab oo uu hadda yahay dibad joog asaga iyo dagaalamayaashiisa kadib marii ay horey isku qabteen hogaamiyihii la dilay ee Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.

Saaraakiisha uu wargeyskaan soo xigtay waxay sheegeen in dawlada Soomaaliya ay hadda wado wada hadal kala dhaxeeya Mukhtaar Roobow taasoo ah sababta ka dambeysa in culayska laga fududeeyo.

Saraakiishaan Maraykanka ah ma aysan sheegin heerka uu marayo wada hadalkaan iyo cidda wada midna.

Dawlada Soomaaliya walli kama hadlin go’aanka Maraykanka uu xanibaada uga qaaday hogaamiyahaan Al-Shabab ka tirsan.

Dawlada Soomaaliya sidoo kale waxay horey usoo dhawaysay hogaamiyaal sar sare oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab.

Dhanka kale xarun la Socota dhaq dhaqaaqyada ururada hubeysan ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in Al-Shabab sanadkii lasoo dhaafay ay dad badan ku waxyeelaysay gudaha Soomaaliya.

Xaruntaan waxaa ay sheegtay in dagaalamayaasha Al-Shabab gudaha Soomaaliya sanadkii naga dhamaaday ee 2016 ay dileen dad tiradoodu gaarayso 4, 200 oo rux.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
xanafi02@gmail.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More