Doorashooyinka Itoobiya ayaa markale dib loo dhigay – Maxaa cusub? – Axadle

Addis Ababa (Axadle) – Madaxa guddiga doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay maalintii Sabtida in ay tahay wax aan macquul aheyn in la qabto doorashada baarlamaanka oo loo muddeeyay 5-ta bisha Juun iyada oo aan la cayimin taariikh cusub.

Markii uu xafiiska qabtay seddex sano ka hor, raiisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu balan qaaday inuu meesha ka saari doono kaligii talisnimada isla markaana uu qaban doono doorashooyinkii ugu dimuqraadiyada badnaa abid.

Doorashada ayaa markii hore loo qorsheeyay bishii sideedaad ee sanadkii hore waxaana dib loo dhigay sababo la xiriira cudurka faafa ee loo yaqaan ‘coronavirus epidem’, iyadoo dhibaatooyinka sii kordhaya tan iyo markaas ay ka mid yihiin dagaalada ka socda waqooyiga gobolka Tigray.

“Codbixintu ma dhaceyso 5-ta Juun … ma dhihi karno taariikhda ay tahay in Komishanku uu darso talooyinka xisbiyada,” ayay tiri Birtukan Mideksa, madaxa guddiga doorashada.

Waxay xustay dib-u-dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, tababarka shaqaalaha, daabacaadda iyo qaybinta waraaqaha cod-bixinta.

“Xaqiiqdii, waxay noqotay wax aan macquul aheyn in qofna uu kusoo gudbiyo taariikhihii markii hore loo cayimay.” ayay ku dartay Birtukan Mideksa.

Mideksa wuxuu sheegay in qorshaynta taarikhda cusub ay tixgelin siin doonto xilli roobaadka – oo soconaya bilaha Juun ilaa Sebtember.

Iyadoo ay ka harsan tahay dhowr toddobaad doorashada, waxaa jiray calaamado yar oo olole ah, waxaana dhowr xisbi oo mucaarad ah ay qorsheeyeen inay qaadacaan codbixinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo sinayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More