Doorashada Soomaaliya oo la aadayo bil kadib! – Axadle

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashada Dadban ee 20/21 oo ah tan ay ku heshiiyeen Madaxweyne Farmaajo, Hogaamiyayaasha DG hoostaga DFS & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana shalay uu u codeeyay BFS.

Waa silsiladda xil is gaarsiinta afartii sanaba mar, waxaana bisha Deseember 2020 dhammaadkeeda soo idlaanaya muddo xileedka laanta Xeer dejinta, halka xafiiska Hogaamiyaha uu gaarayo ilaa 8-da Febaraayo 2021.

Hogaamiyaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay sheegay in bisha Nofeembar oo kaliya innaga xigto 3-Cishe iyo Oktoobar kadib la guda-galayo Doorashada Dalka gaar ahaan xulista Baarlamaanka.

Rajo waangsan ayuu ka muujiyay in si wanaagsan oo waafaqsan sharciga oo ay ku dheehan tahay Xasilooni lagu soo gaba-gabeeyo kuraasta 275-ka ee Golaha Shacabka oo kursigiiba ku imaanaya codka 101-Ergo beeleedka iska leh.

“Marka la sameeyo labada Guddi ee heer Federaal & Dowlad Goboleed ee doorashada, shaqada waxaa laga bilaabayaa doorashada Aqalka sare, waxaana loo baahan yahay in laga fogaado musuq, wax waliba oo sababi kara caqabad iyo dhibaato” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Senatarada Aqalka sare oo lasoo kordhiyay sanadkii 2016-kii, waxaa markale soo dirsanaya Dowlad Goboleedyada, rajo wanaagsan lagama qabo in Gobolka Banaadir matalaad Senataro uu ku yeesho Aqalka sare, maadaama aan lagu soo hadal qaadin heshiisyadii Dhuusamareeb 1,2,3 iyo shirarkii siyaasadda ee lagu qabtay Muqdisho.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More