Doorashada oo saacadaha soo socda ka dhaceysa Muqdisho

1

- Advertisement -

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdi saacadaha soo socda, iyadoo gelinka hore ee saaka lagu wado in loo dareero hoolka ay ka dhaceyso doorashada oo ku yaalla Xarunta Afisyooni oo ahaa Saldhigii ciidamada cirka Soomaaliyeed oo ku dhegan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

- Advertisement -

Haddaba waxaa la filaayaa illaa 22 Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana suuqa soo galay warar sheegaya inay macquul tahay inay is casilaan Musharaxiin qaar.

Doorashadan ayaa ah mid ka adag tii sanadkii 2012, waxaa la saadaalinayaa inay gaarto illaa wareega 3aad, saacadihii u dambeeyay ayaa Musharaxiinta qaar waxay wadeen ololihii u dambeeyay, oo ay ku kasbanayeen Xildhibaanada.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa soo saaray awaamiir ku aadan doorashada, iyadoo hoolka doorashada aan lala geli doonin Taleefanada gacanta, qallimaan iyo agabyada kale.

Illaa 329 Xildhibaan ayaa qorshuhu yahay inay u codeeyaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, waxaa doorashada lagu kala bixi doonaa wareega 1aad cidii hesha 3-meel labo meel oo ah 219 Xildhibaan, taasoo ay adag tahay Musharax xaqiijiya cododkaas, si uu ugu guuleysto doorashada.

Balse waxaa tanasulay Xubnaha kala ah Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland, ENG C/llaahi Cali Xasan oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka waxayna xubnaas ay sheegeen in ay fiiriyeen danta dalka iyo dadka.

Guud ahaan Doorashada madaxweynaha Soomaliya
1. Tirada 2da Aqalo (275+54) = 329
2. (22 Musharaxiinta iyo min 1 Kaaliye) = 44
3. Suxifiyiin Gudaha & Dibada= = 80
4. Goob joogayaasha Caalamiga = 80
5. Guddiga Anshaxa Doorashada = 10
6. Saraakiisha Amniga Gudaha = 48
—————————————————
Total: 595

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waddooyinka ayaa la sii xiray maalin ka hor, dadka ayaa u dhega taagayay doorashada Madaxweynaha.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More