Diyaarado Drones ah ayaa weerar duqeyn ah ku qaadey Goobo shidaalka laga soo saaro Sacuudiga

14,754

Diyaarado Drones ah ayaa weerar duqeyn ah ku qaadey Goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga. Kuwaasoo ay maamusho shirkadda laga leeyahay dalkaasi ee Armaco.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa xaqiijisay. Iyadoo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda Arrimaha gudaha. Ayaa Waxaay sheegeen in la duqeeyay labo meel oo Armaco saliida ugu badan kasoo saarto. Kuwaas oo ku yaalla Abqaiq iyo Khurais.

Weerarka oo dhacay maanta oo sabti ah. Ayaa sababay inuu dab xoog leh qabsado xaruumaha saliida laga soo saaro. Waxaana markii dambe ay dowladdu sheegtay in lagu guuleystay deminta dabka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ma aysan sheegin halka laga soo qaadey weerarka iyo cida fulisay. Balse waxay tilmaantay inuu socdo baaritaan. Waxaana sidoo kale ka gaabsatay ka hadalka khasaaraha duqeynta.

Muuqaallo baraha bulshadda lasoo geliyay ayaa muujinaya in qiiq iyo holac kasoo baxaya goobta ku taalla Abqaiq. Iyadoo la maqlayay rasaas aan la ogeyn waxay tahay.

Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegta weerarada xarumaha Abqaiq iyo Khurais, iyagoo wacad ku maray inay sii ballaarin doonaan bartilmaameedyada kala duwan ee Sacuudiga.

Bilooyinkii dambe. Xuutiyiinta ka dagaalanta Yemen, ayaa fulisay weeraro isdaba-joog ah oo ay ku bartilmaameedsatay xaruumo muhiim ah oo ku yaalla dalka Sacuuida. Sida Garoomo diyaaradeed iyo ceelaal saliida laga qodo.

Xuutiyiinta gacan-saarka la leh Iran, ayaa weeraradooda Sacuudiga ku tilmaamay kuwa ay uga aar-gudanayaan duqeymaha ay xulafadda Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen tan iyo March, 2015.

Bishii lasoo dhaafay. Xuutiyiinta ayaa sheegay inay weerareen Shaybah , oo ah xarun Armaco kasoo saarto gaaska dabiiciga ah, oo ku taalla dalka Sacuudiga.

Armaco ayaa ku qeexday Abqaiq inay tahay meesha ugu ballaaran ee laga soo saaro saliida ceyriinka ugu badan caalamka. Waxaana ay 60-KM Koonfur-galbeed uga began tahay gobolka Dhahran ee bariga dalkaasi dhaca.

Xaruntan ayaa mar hore sanadkii February 2006 Ururka Al-Qaacida isku dayay inuu weeraro, Balse laga hortay rag isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inay qarxiyaan.

Goobta labaad Khurais waxay 160km u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Riyadh. Halkaasi oo Armaco ay sheegtay inuu ku jiro keyd saliid oo lagu qiyaasay 20 bilyan oo Fuusto.

Weerarada goobahan muhiimka ah ee ku yaalla Sacuudiga. Ayaa saameyn ku yeelanaya qiimaha saliida suuqyada caalamka, maadaama Sacuudiga uu yahay dalka ugu horeeya ee soo saara.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More