Diyaarado ayaa duqeymo ka geysta Koonfurta Soomaaliya

Duqeyn xagga cirka ah ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Buulo Falaay, oo ku yaal xadka ay wadaagaan gobollada Bay iyo Shabeellada Hoose ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyntu ay dhacday duhurnimadii maanta afaafka hore xero milateriga Mareykanka.

“Taageerada saaxiibadeena (Soomaaliya), waxaan qorsheyneynaa inaan uga tagin meel gabbaad ah oo ay al-Shabaab ku dhuumato.”

Khamiistii lasoo dhaafay, duqeyn ka dhacday deegaanka Saxa-weyne ee gobolka Baay waxaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab sida uu sheegay Taliska AFRICOM.

Duqeynta ka dhacday Buulo Falaay ayaa imaaneysa maalin kadib markii wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji uu ugu yeeray saraakiisha Mareykanka ee ku sugan dalkaasi in ay xoojiyaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya iyada oo wali ay socdaan dagaalada u dhaxeeya militariga oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab, inkasta oo Washington ay sheegtay in ay sii wadi doonto duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More