Diyaarad rakaab siday oo la la’yahay kadib

Diyaarad Rakaab ah oo siday in ka badan 50 qof ayaa la waayey waxyar kadib markii ay ka duushay caasimada Indonesia ee Jakarta.

Diyaaradda Sriwijaya Air Boeing 737 ayaa lumisay xiriirkii ay la lahayd shirkadda Pontianak ee ku taal Galbeedka Kalimantan, sida ay sheegeen saraakiisha.

Flightradar24.com ayaa soo warisay in diyaaradda ay lumisay in ka badan 3,000m (10,000ft) joogga wax ka yar hal daqiiqo.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa sheegtay inay la socoto howlaha baadigoobka iyo badbaadinta.

Waxay sheegtay in xiriirkii ugu dambeeyay ee diyaaradda, sumaddiisu tahay SJY182, la sameeyay 14:40 waqtiga maxalliga ah (07:40 GMT).

Sida ku cad faahfaahinta diiwaangelinta, diyaaradda waa 27-jir Boeing 737-500.

Shirkadda diyaaradaha ee Sriwijaya Air ayaa sheegtay inay wali wado aruurinta macluumaadka duulimaadyada.

Diyaaraddu ma ahan nooca 737 Max, oo ah nooca Boeing ee sannadihii la soo dhaafay galay laba shil oo waaweyn.

Markii ugu horreysay, Oktoobar 2018, waxay ku lug lahayd diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia oo kacday 12 daqiiqo kadib markay ka duushay Jakarta oo ay ku dhinteen 189 qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More