#Dil caawa ka dhacay Magaalada Baladweyne

0

- Advertisement -

Warar goor dhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo hubeeysan ay caawa xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne  ku dileen Cismaan Cali maadeey oo loo yaqiinay Cismaan Ganeey kaasi oo kamid ahaa shaqaalaha Maaliyada Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Dilka Ninka ayaa waxa uu ka dhacay aga agaarka Aargada sheikh xasan Barsame ee xaafada howl-wadaag ee magaalda beledweyne.

waxaa dilka kadambeyey sida wararku shegayaan koox dhalinyaro buskuulado ku hubeeysnaa kuwaas oo ka baxsaday goobta dilka ka dhacay sida ay warbaahinta u xaqiijiyey mid kamid ah dadka xafadaasi dagan.

dilka kadib ayaa waxaa gaaray goobta uu falkan dilka ah ka dhacay ciidamada amaanka kuwaa oo halkaa kawado baritaano lagu ogaanayo kooxihii kadambeeyey dilkaasi.

Dad goob jogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in askariga la dilay uu ka mid ahaa waaxda canshuuraha ee Magaalada Beledweyne.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay maamulka iyo Saraakiisha amaanka magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More