#Dil Caawa ka dahcay Magaalada Muqdisho

1

- Advertisement -

Rag hubeysan ayaa Caawa qof shacab ah waxa ay ku dileen Xaafad ka tirsan Degmada Dharkinley ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Dad Goobjoogayaal  ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen inRag ku hubeysan Bastoolado ay toogteen Qofka shacabka ah xili uu ku sugnaa Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkeenleey.

Rag dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaan durba koobta ay noqotay mid haawaneysa ayadoo durba ay kala kal carareen dadkii ka agdhawaan goobta uu dilka ka dhacay waxaan la xiray goobaha Ganacsi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka qaaday meydka ruuxa la dilay.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa la soo sheegayaa in Caawa baaritaano ay ka wadaan Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkeenleey,kadib markii halkaasi lagu toogay qof shacab ahaa.

Magaalada Muqdisho aya waxaa ka dhaca mararka qaar dilal qorsheyan oo loo geysto Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada  Soomaaliya iyo dadka shacab ah ee ku nool Magaalada.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More