Diblomaasiyad hore oo lagu dhex dilay xerada Xalane

36,930

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho galab Magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman Axmed Cali Axmed oo eheyd Diblumaasi hore iyo mid kamid ah gabdhaha u ololeeya arrimaha haweenka ee ugu caansan Soomaaliya.

- Advertisement -

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, waxa ay u geeriyootay dhaawac daran oo ka soo gaaray rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhacday, taasoo aan wali la shaacin cida soo riday iyo halka ay ka timid, waxaana xiliga toogashadeeda ay dhaceysay ku sugneyd gudaha xerada xalane ee Muqdisho.

Siciid Fadhaaye oo kamid ah Suufiyiinta u shaqeysa Warbaahinta Caalamiga ah oo ay xiliga la tooganayay wada socdeen marxuumada ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay geerida Almaas Elman, isagoo qiray inuu weerarka ka badbaaday.

“Alxamdulilaah waan nabad qabaa kaddib weerar nalagu soo qaadday aniga iyo walaasheey Almaas Elman. Almaas dhabtayda ayeey ku geeriyootay. Rabbi ha u naxariisto” ayuu yiri Siciid Fadhaaye.

Laamaha amaanak ee dowladda iyo kuwa shisheeye ayaa durba bilaabay baaritaanada halka ay ka timid rasaasta lagu dilay gabadhan dhalinyarada eheyd, iyadoo durba ay shaki dhaliyeen amaanka goobta oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah safaaradaha ugu waaweyn ee wadamada caalamka.

Almaas Elman Axmed Cali waxey kasoo mid ahayd howladeenadda safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya. Sanadihii u dambeeyay waxay u xuub-siibatay dhanka ololaha xuquuqda haweenka.

Waxaa dhalay marxuum Elman cali Axmed diley oo isaguna magaalada Muqdisho lagu dilay sanadkii 1996dii, isagoo ka shaqeyn jiray arrimaha Nabada, iyadoo ay Walaalo yihiin Ilwaad Elman oo ka shaqeysa Qaramada Midoobay madax-na ka ah Elman Peace, taasoo sanadkan 2019 kamid ehayd shaqsiyaadkii u sharaxnaa ku guuleysiga abaalmarinta nabadda oo uu ku guuleystay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More