Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Japan.

Sida ay tebisay Warbaahinta Japan Xeebaha Bari ee Dalkaas waxaa maanta oo Sabti ah ku dhuftay Dhul-gariir xooggan oo saameeyay isu socodka Gaadiidka Badda, dalxiiska Xeebaha & isu imaatinka Bulshada.

Qubarada ku taqasustay Dhul-gariiska ayaa Cabirkiisa ku sheegtay 7.2 Magnitude, muuqaallo kala duwan oo laga duubay dhismaha qaar waxaa ka muuqday dhaqdhaqaaqa dhismaha oo qaarkood ku sigtay in ay dumaan.

Kooxda gurmadka degdeg ah oo horay u helay saadaalinta khubarada ayaa isu diyaarisay in ay tagto meelaha ugu halista badan, maadaama burburka ka dhasha uu sababo in dadka ka hoos maro sida ay sheegtay Warbaahinta Dalkaas.

Xeebaha ayaa maanta cidlo ah, dadkii u damaashaad tagi jiray oo iska koobnaa sabab la xiriirta faafitaanka Covid-19 ayaa ka baaqsaday si aysan waxyeelo u gaarin, halka dhismaha dhaadheer dadka ay ka fogaadeen si aysan ugu dumin.

Xirarka badda ayaa Xeebaha Waqooyi gaaray, waxaa joogsaday Maraakiibta & Doomaha si aysan dhibaato u gaarin, Dowladda Japan wali sooma gudbin waxyeelo ay ogtahay oo ka dhashay dhul-gariirkaan balse waxaa socda baaris ay ku howlan tahay Kooxda.

Powerful 7.2-magnitude #earthquake hits off eastern Japan – warning center#Japan #Tsunami pic.twitter.com/56ODf6OQbs

— Siddhant Anand (@JournoSiddhant) March 20, 2021

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More