Dhoobo-Daareed oo markale ku celiyay inuu yahay guddoomiyaha Sharciga ah!

3,369,808

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdi-xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Dareed oo dhawaan ay xilka ka qaadeen baarlamaanka Puntland ayaa Sabtidii galabta Shir jaraa’id ku qabtay degmada Xingalool, wuxuuna ugu hadlay arrimo badan oo ay ku jirto xil ka qaadistii lagu sameeyay.

- Advertisement -

Dhoobo-Daareed wuxuu shirkiisa jaraa’iga si qoto dheer uga hadlay qaabka xilka looga qaaday oo uu sheegay inay ahey mid sharci darro ah, weerarkii ay dadka ku dhinteen ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland iyo waxa uu qorshihiisu yahay iminka.

Mr Dhoobo-Daareed ayaa yiri, ‘‘Puntland waxay u baahan tahay bad-baado‘‘ isagoona wadatashi ugu baaqey bulshada gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Cabdi-xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Daareed ayaa ku celceliyay inuu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Puntland, isagoo sharci darro ku sifeeyay tallaabadii xilkga looga qaaday.

Ugu dambeyn, wuxuu saxaafadda ugu baaqay, in aan loogu yeeri karin guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, balse uu yahay midka sharciga ah ee hadda shaqeeya, sida uu ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More