“Dhismaha Jowhar waxaa caqabad ku ah Al-Shabaab” Wasiir Caadle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee DG Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo wareysi gaar ah siiyay Axadle ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka maamulkaas, Duruufaha Amni, Xaaladda go’doonka ee Degmooyinka Hir-Shabeelle, Dagaal beeleedyada iyo qodobo kale.

Ammaanka Hir-Shabeelle ayuu dul istaagay ugu horeyn, waxaana uu qiray afar sano kahor markii la dhisayay Maamulkaas in uu hagaagsanaa, isla markaana isu socodka waddooyinka uu wanaagsanaa.

Khasaaraha kasoo gaaray weerarada Jid-galka ah ee Balcad iyo Jowhar waxa uu ku tilmaamay in ay ku waayeen Xildhibaanno, Askar, Saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay DG Hir-Shabeelle.

“Muddo 8 ilaa 6 bilood waddada waa ay xasilooneed, isu socodka waa uu wanaagsanaa, saldhigyo toos ah Nabad-diidku kuma lahan jidka, balse waa argagixiso, iyaga oo socda ayay imaanayaan, weerar ayay geysanayaan, Ciidamo Militari ah oo dhowr tallaabo isu jiro & kuwa AMISOM ayaa waddada saldhigyo ku leh” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay Wasiir Caadle.

Wasiir Caadle ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab awood ay ku yeelatay Gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo sababtay in Madaxda Hir-Shabeelle ay ka go’aan isticmaalka safarka dhulka, maadaama jidka miino ay gelisay Al-Shabaab kadibna ay geysato weeraro Jidgal ah.

“Jowhar oo Muqdisho u jirta 90-KM ayaa qalabka Dhismaha looga qaadaa, Dhagaxa, Carrada, Shamiitada, Musmaarka iyo wax waliba oo agab ah Xamar ayaa laga qaadaa, waxaa la gubay Gaadiid, Ganacsatada ayaa u baqday Gaadiidkooda oo ka cabsanaya in la gubo, Halka kaariko ee carro masjid lagu dhisayo ah waxaa ku baxda $1000 (Kun Doollar)” ayuu sii raaciyay Wasiir Caadle.

Caqabadaha amni darro ayaa haatan u muuqata in ay gudaha u gashay Magaalada Jowhar oo xarunta DG Hir-Shabeelle ah, muddo bil waxaa lagu dilay labo Wasiir oo sidoo kale ahaa Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka.

Hir-Shabeelle ayaa isu diyaarineysa qabashada doorashada Dastuuriga ee Afartii sanaba mar la qabto, waxaana socda abaabulka lagu kala dirayo Xildhibaannada si ay dib ugu laabtaan deegaan Doorashadooda, loona helo Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas.

Halkaan Guji si aad u daawatid Wareysiga oo Dhameystiran.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More