Dhaxalka Dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ayaa wali soo ifbaxaya 40 sano kadib!

Askar ayaa saaran taangi u diyaar garoobay dagaal 1980kii intii lagu jiray Dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq. [Francoise de Mulder / Roger Viollet via Getty Images]

Daanka, lafaha kala duwan iyo xoogaa qaab –dhismeedka Jirkiisa, shanlada tinta ee jeebka lagashado, ilkaha ka jaban, iyo saacadda birta ah – ayaa ka mid ahaa haraadiga dhowaan la soo saaray oo ah Sarkaal lagu dilay dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq.

Sawirada naxdinta leh – oo lagu daabacay Facebook oo ay la socdaan faahfaahin kooban oo  ku saabsan aagga laga helay haraaga, oo ay weheliyaan magaca askariga – waa xusuusin murugo leh oo ku saabsan dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee 1980-88 oo wali saameeya dad badan oo reer Ciraaq ah maanta.

Hadhaagii askari Ciraaqi ah Elawi Youdan Abbas ayaa dhowaan la helay [Al Jazeera]“Haraaga sarkaalkii militariga ee Ciraaq Elawi Youdan Abbas waxaa laga helay xadka Ciraaq iyo Iran ee gobolka Maysan” ayaa lagu yiri mid ka mid ah qoraalo badan oo noocan oo kale ah oo lagu daabacay baraha bulshada dhawaan.

“Fadlan la wadaag asxaabtaada qoraalkaan si qoyskiisa ay u ogaadaan” ayaa la raaciyay qoraalka.

Afartan sano ka hor maalin Talaadada ah, Ciraaq waxa ay la yaab ku noqotay Iran iyadoo qaaday dagaal baaxad leh oo ka dhashay khilaafaadka xuduudaha iyo hamiga kaligii taliyihii Saddam Hussein oo markaas ahaa hogaamiyaha aan muranku ka taagnayn ee gobolka. Waqtigaas ka dib, Ciraaq waxa ay ku doodeysay in isku dhacu uu billowday horaantii – Sebtember 4, 1980, markii Iiraan duqeysay aagagga xuduudaha Ciraaq.

Ka dib sideed sano oo dagaallo qaraar oo Mareykanka, Wadamada kale ee reer galbeedka, iyo inta badan waddamada Carabtu ay taageereen Ciraaq, Iiraan oo caalami ahaan go’doonsan ayaa aqbashay heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay bishii Ogast 1988.

Iskahorimaadka waxaa loo aqoonsaday mid ka mid ah dagaalladii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda casriga ah, oo xitaa hubka kiimikada si aan macquul ahayn loogu isticmaalay. Dad lagu qiyaasay 500,000 oo qof ayaa ladilay labada dhinac, halka boqolaal kun la dhaawacay ama la sheegay in lawaayay.

Sawirro la sii daayay Oktoobar 1980 waxay muujinayaan taangiyada, hubka iyo sawaariikhda reer Iiraan ee ay qabteen ciidanka Ciraaq [AFP]Labada dal midkoodna guul kuma dhawaaqin, labada ciidanna waxa ay ku dhammaadeen isla meelihii ay ka bilaabeen. Khilaafka dheer iyo midka qaraar ayaan labada dal uga tagin oo keliya khasaare bini’aadamnimo oo aad u badan iyo khalkhal dhaqaale, laakiin sidoo kale wuxuu saamayn ku yeeshay gobolka sannadaha soo socda.

“Dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq wuxuu ku soo kordhiyay Bariga Dhexe dhaqan cusub oo ay saameyn ku yeelatay aqoonyahanno iyo dhaxal millatari oo cusub” ayuu yiri Hadi Jalo Marie, oo ah guddoomiyaha xarunta fikirka siyaasadda ee Baqdaad.

“Inta badan dhacdooyinkii gobolka ee xigay dib ayaa looga heli karaa dagaalkaas” ayay raacisay Marie.

In kasta oo ay jirto masiibo bani-aadamnimo iyo dhaqaale oo soo gaadray labada ummadood, haddana dhibaatooyinka dagaalka ayaa laga dareemay meel ka fog xuduuddooda.

Iska hor imaadku wuxuu gobolka u kala qaybiyey qaab diimeed, maadaama loo arkay dagaal u dhexeeya Ciraaq oo uu hoggaamiyay Saadaam oo Sunni ahaa iyo Shiicada-kacaanka Iran.

Waxa kale oo ay muujisay duullaankii Ciraaq ee Kuwayt 1990kii khilaafaadyo ka taagnaa balaayiin doollar oo deyn ah oo Saadaam Xuseen ka soo ururiyey Kuweyt iyo dalal kale oo qayb ka ahaa dagaalkii Iran.

Qaxootiga reer ciraaq ee ku sugan xuduuda una qaxaya Iiraan [Jean-Louis Atlan]Duulaankii Kuweyt ayaa keenay weerarkii ugu horreeyay ee Mareykanku ku qaaday Ciraaq, isagoo curyaamiyay cunaqabateyntii ay saartay UN-ka iyo, ugu dambeyntiina, duulaankii Mareykanku horkacayay 2003 ee xukunka looga tuuray Saadaam.

Ujeeddooyinka dagaalladii 1980-88 waxaa ka mid ahaa in laga hor istaago Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iiraan inuu gaaro waddamada Carabta ee deriska la ah, taasoo keentay in dowladaha Khaliijku ay taageeraan Maamulkii Saddam ee Ciraaq.

Laakiin afartan sano ka dib, saameynta Tehran ee Bariga Dhexe – iyo gaar ahaan Baqdaad – aad ayey u kororay, waddamada Khaliijkuna “wali waxa ay raadinayaan Ciraaq oo u eg tii Saddam” si ay uga hor tagto awoodda Iran.

Murugu xusuus leh ayaa wali haysata kuwii ka qayb qaatay dagaalkaas.

Abwaan iyo qoraa Alawi Kadhim Keshish, oo 58 jir ah, ayaa sheegay in kasta oo xanuunka uu dareemayo markii uu wax ka qorayo shantii sano ee uu ku qaatay jiidaha hore, haddana uu dareemayo in ay waajib ku tahay in uu ka sheekeeyo qaar ka mid ah dhacdooyinkii dagaalka oo uu uga sheekeeyo sheekooyinkiisa gaarka ah.

Abwaan iyo qoraa Alawi Kadhim Keshish ayaa shan sano ku qaatay Jiida dagaalka [Al Jazeera]“Dagaalku waa mid laba geesood ah” Keshish, oo deggan magaalada Karbala ee koonfurta Baqdaad, ayaa yiri. “Dagaalku waa mashruuc guul ah oo bini-aadamka ka dhigaya qashin.”

Qeyb cinwaankeedu yahay Quluubta Hooyooyinku waa Cunnada Macaan ee Dagaalku leeyahay, wuxuu ka sheegayaa sheeko laga soo bilaabo 1987, markii uu la kulmay haweeney ku sugeysay goob basaska laga raaco oo ay ku badan yihiin askarta gobolka koonfurta ku teedsan ee Maysan, iyadoo rajeynaysa inay hesho wiilkeeda oo la la’yahay ama maqalka eraygiisa.

“Markii aan soo galay saldhigga, haweeney umuuqatay hooyaday oo ilmo ka qallajisay dhabankeeda ayaa ii timid waxayna igu weydiisay cod hooseeya:“ Ma aragtay wiilkeyga Karim? ”Ayuu xusuustaa.

“Waxaan ka jeediyay wajigayga si aanan u ilmayn”.

Ciidamada ku sugan goobta dagaalka intii lagu guda jiray dagaalkii Iraan iyo Ciraaq ee dhiigga badani ku daatay [Francoise de Mulder]In kasta oo sannadahaas oo dhan, “Weli waxaan ku toosaa mararka qaarkood weerarro argagax leh oo aan maqlayo dhawaqa madaafiicda iyo baroorta askarta dhaawaca ah,” ayay yiri Keshish.

Isha:  AL JAZEERA.

W/T:Mowlid Mo’allim Adam

Axadle