Dhalinyaro ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Gobolka

Laba qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Gaari shilkaas galay ayaa ahaa nooca yaryar ee raaxada, waxaana watay labada nin ee ku geeriyootay shilkaas.

Gaari ayaa rogmaday xilli uu marayey nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sinujiif oo u dhaxeysa magaalooyinka Dangoroyo iyo Garowe, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qude, ayaa lagu kala magacaabaa labada marxuum ee ku geeriyootay shilkaas gaari, waxaana gebi ahaanba burburay gaarigii la rogmaday.

Shilalka gawaarida ayaa loo aaneeyaa inta badan wadooyinka bur-bursan iyo wadayaasha gaadiidka oo xawaare dheereeya ku wada gaadiidka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More