Dhageyso: Dhallinyaradii loo qaaday Eritrea oo la hadlay VOA…

Muqdisho (Axadle) – Barnaamijkii Bandhigga VOA ayaa waxaa toddobaadkan lagu soo qaatay qaar kamid ah dhalinyaradii kal hore Askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, oo xiligan wajahaya xaalada halis ah.

Qaar kamid ah dhalinyaradaas oo lagu wareystay barnaamijka ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha lagu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen.

Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indho-beelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel caafimaad ah, islamarkaana ay ilaa hadda la jiifan xanuuno sababsan kara geeridooda, sida ay sheegen.

Dhalinyarada la wareeystay oo cabsi badan ka muuqatay ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaaday uu mar keliya booqday intii ay ku jireen xeryahaas, ayaga oo loogu hanjabay inaysan dhibaatoodada u sheegan karin, oo aysan ka warami karin dhibaatadooda.

“Nolol bini’aadanimo ah kuma noolin, guryaha ayaa nalagu dhistaa, beeraha falnaa, tobabar waxaa noogu dambeysay bishii 9-aad, intaas wixii ka dambeysay waa nala adoonsan yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada la hadlay idaacada VOA-da oo magaciisa loo qariyay sababo amni.

Waxay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in laga soo gaaro xaalada halista ah ku haysata dalka Eritrea, oo markii hore loogu qaaday tobabar ciidanimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More