Dhageyso: Aabaha askarigii kasoo baxsaday Eritrea ee lagu di…

Muqdisho (Axadle) – Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo kamid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay hore u baahisay Axadle.

Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay.

Aabaha dhalay Cabdimaalik oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in lagu dilay Toorey, oo uu ku dilay wiil kale oo ay dagaaleen, kaasi oo ay saaxiib ahaayeen wiilaal uu sheegay inay maalmihii u dambeeyay wada socdeen.

Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu lacag badan ku bixiyey in wiilkiisu uu imaado Caasimadda Muqdisho, kadib markii uu dhib badan kala kulmay xeradii ciidamada Eritrea.

“Wiilaal ay saaxiib yihiin ayey isla jireen, khilaafad yar ayaa ka dhex dhacay, Toorey ayaa lagu turay midna wadnaha ayey uga dhacday midna beerka, labo toorey ah ayaa ku dhacday,” ayuu yiri.

“Dilku waxa uu ka dhacay suuqa Jaadka Afgooye, waxaa socota baaris oo ilaa hadda waa lagu jiraa.”

“20 cisho ayuu jooga, waxaa kasoo waday meel la yiraahdo Maqale,lacag ayaa ku bixiyey waxa uu soo maray Jigjiga, waxaa qaabishay dowladda Garoowe oo lix maalmood ayuu meesha joogay, waa lasoo fasaxay Afgooye ayuu joogay,” ayuu yiri.

Aabaha dhalay Cabdimaalik ayaa inta badan ka gaabsaday su’aalo laga weydiiyay dilka wiilkiisa iyo dhibtii uu kala kulmay xeryaha ciidamada lagu tobabaray, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu dowladda ka warsugayo baaritaankeeda.

Allaha u naxariiste Cabdimaalik oo kamid ahaa dhalinyaradii ay hore dowladda federaalka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shalay waxaa lagu soo aasay qabuuraha Calamada ee duleedka degmada Afgooye.

Hoos ka dhageyso wareysiga aabe Cabdullaahi Xaaji Xasan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More