#Dhagar Qabe laga soo qabtay Dalka Yemen oo Horey Ugu Dilay Ganacsade Magaladda Qardho

32,551

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen, Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa magaalada Boosaaso xalay ka dejiyay nin horay u dilay Ganacsade ku sugnaa Magaalada Qardho.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabayay Dirir Cabdi Gufuri waxaana 20 july 2019 dilay Maxamed Cabdullahi kaas oo u baxsaday dalka Yemen.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen ayaa waxaa uu eedeysanaha ku wareejiyay Maamulka Puntland iyo Odayaasha dhaqanka.

Mas’uuliyiinta Puntland ee eedeysanaha safiirka kala wareegay waxaa ka mid ah; Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale.

Dhinaca kale Danjire Shuuriye ayaa waxaa la socday soddon qof oo Soomaali Qaxooti ku ahaa dalka Yemen kuwaas oo dib uga soo laabtay.

Waxaa ay xalay iyana ka dageen Magaalada Boosaaso iyaga oo dalkooda dib ugu soo laabtay kaddib colaadda ka dhacday dalka Yemen.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More