DG Galmudug oo ku guuleysatay kala qaadista Maleeshiyo

4

Sawir hore

DG Galmudug ayaa ku guuleysatay in ay kala qaado maleeshiyo beeleed dagaal ku dhexmaray Deegaanno hoostaga Xananbuure & Caabudwaaq iyo xal ka gaarista dilal aanooyin ah oo dagaalkaas ka dhashay.

Mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Gudodomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow ayaa ku qanciyay Odoyaasha labada beel in ay kala qaadaan maleeshiyaadka.

Golaha waxaa kale oo ku sugnaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Dhuusamareeb, Saraakiil katirsan Ciidamada qaybahooda kala duwan, waxgarad kale & qaar kamid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb & mas’uuliyiin kale ee goobta ka hadashay waxa ay sheegeen in aan loo baahneed dib usoo cusbooneysiinta dagaal beeleed sababa dhimasho, dhaawac, aano & barakaca dadka deegaanka.

Odoyaasha dhaqanka waxaa la hordhigay in ay kasoo dhalaalaan kaalintooda oo ah wax ka qabashada abaabulka kahor inta aysan dagaalamin maleeshiyaadka oo u badan dad xoolo dhaqato ah.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wax ka qabashada isku dhacdyada maleeshiyaadka hubeysan oo ka bilawda deegaannada naqa leh oo ay isku qabsadaan dhul daaqsimeedka & ceelasha biyaha laga cabbo.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More