“DFS waxa ay bixisaa Mushaarka 16-kun oo Macalin” Hogaamiye

7

Hogaamiyaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda maalinta Macalinka Soomaaliyeed 21-ka Nofeembar ayaa soo hadal qaaday doorka Dowladdu ay siisay Bareyaasha ka howlgala dugsiyada ay maamushu Dowladda Soomaaliya

Ugu horeyn waxa uu bogaadiyay Macalimiinta Soomaaliyeed, isaga oo dib u xusuusiyay marxaladii kala duwanaa ay lasoo kulmeen iyaga oo ka shaqeynaya Badbaadinta Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed.

“Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho” ayuu yiri Hogaamiye Farmaajo.

Waxa uu isbar-bardhigay tan iyo 2017-kii macalimiinta ay u qoreen Dugsiyada Dowladda iyo Bareyaaashii ka horeeyay kahor inta uusan xafiiska la wareegin ee wax bareyay Ardayda Soomaaliyeed.

Hogaamiye Farmaajo ayaa sheegay in Tirada Macalimiinta Dowladda u diiwaangashaneed ay gaareysay 9-Kun oo kaliya, halka haatan Dugsiyada Dowladda ay dhigaan in ka badan 16-kun oo bare sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed” ayuu yiri Hogaamiyaha JFS.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya”.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More