#DFS oo xirtay Sarkaal toogtay 6 Nin oo Shabaab ka tirsanaa iyo Saraakiil dalbatay in lasii daayo

1

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee Gobolka Gedo, ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo ku xiran Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Sarkaalkaan xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa Faarax Cali Jeelle Turbac oo ah Taliyaha Ururka Ciidanka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sarkaalkaan ayaa loo haysta dil uu u gaystay lix nin oo Shabaab ka tirsanaa, kuwaasi oo iyaga oo aan maxkamad la soo taagin lagu toogtay Magaalada Baardheere.

Xilliga dilka uu amraayay Sarkaalkaan dilka loo gaystay lixda nin ee Shabaab ku eedeysnaa, ayaa waxa ay aheyd xilligii Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Indha qarshe uu amraayay in ruuxii Shabaab ka tirsan ee Ciidamada ay ku qabtaan dagaal in la toogto.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya & Wasaaradda Gaashaandhigga intaba kama aysan hadlin xarigaan loo gaystay Sarkaalkaan ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Gedo ka hawlgala.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More