DF oo shaacisay qorshaha ka dambeeya kulankii Rooble iyo Saf…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay ujeedka ugu muhiimsanaa ee kulankii dhawaan Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World isagoo ku sugan magaalada Antalya ayaa xaqiijiyey in kulankii u dambeeyay ee Rooble la yeeshay danjiraha Imaaraadka Carabta uu qeyb ka ahaa dedaalada maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ku saxayo gefafka diblomaasiyadeed ee uu sameeyey intii uu xilka hayey.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowladiisa ay aad u xiiseeneyso inay dib u saxdo waxyabihii horey uga soo qaldoomay ee ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii June xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta, waxaana war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in kulanaas looga wada hadlay TRT World.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa xumaa saddexdii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo xiriirka diblomaasiyaddeed Soomaaliya u jartay Imaaraadka kaddib khilaafka Dowladaha Khaliijka. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mowqifka dhexdhexaadnimo ka qaadatay.

Bartamihii Bishii Abriil ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More