Deni & Qoor-Qoor oo ka wada hadlaya amniga

Madaxweynayaasha Puntland, Saciid C / laahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maanta ku shiraya waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyagoo ka wada hadlaya amniga magaalada oo kala qeybisa labada maamul.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in saraakiisha hordhaca ah ee wafdiga uu hogaaminayo Hogaamiye Saciid Deni ay aadeen Waqooyiga Gaalkacyo si ay u adkeeyaan amaanka isla markaana heegan la galiyay ciidamada amaanka ee magaalada.

Koonfurta, hawlgal amni ayaa ka socda, ciidamo ayaa la dhigay waddooyinka muhiimka ah si ay u ilaaliyaan xasilloonida Gaalkacayo ka dib qaraxii dhacay 18-kii Diseembar, 2020 ee galaaftay nolosha mas’uuliyiinta iyo rayidkii ka qaybgalayey soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble. .

Waxaa jira wadashaqeyn iyo heshiisyo kaladuwan oo udhaxeeya dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug si ay uga wada shaqeeyaan sugida amniga Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacayo oo ay kala maamulaan labada maamul

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa goor dhow ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, maadaama ay sheegteen mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay Gaalkacyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More