Deni iyo wafdi uu hogaminayo oo maanta ka dagay Kismaayo

8,418

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdiga uu horkacayo ayaa gaaray magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

Wafdigaan oo saakay kasoo duulay Magaalada Garoowe ayaa saarnaa diyaaraddii dhawaan la sheegay inay soo iibsatay Jubbalanad.

Diyaaradda oo si toos ah uga soo duushay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaan soo marin Magaalada Muqdisho, taasoo noqoneyso markii labaad oo la jabiyey amarkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aadayo Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], kaasoo u soo galbiyey goob in ay ku negaadan.

Xubnahan ayaa waxay ka qeybgalayaa xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe.

Socdaalka madaxda ayaa waxay ka dambeysay markii xukuumada federaalka ay qaadey xayiraadii socdaalka ee Kismaayo kadib cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aadan tagaan magaaladaas dekadda si ay kaga soo muuqdaan xafladda.

Amniga ayaa lagu waramayaa in aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada ammaanka heegan buuxda si ay uga hortagaan isku day walba oo qalqal gelinayo nabad-gelyadda

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More