#Deni “Dastuurka Dalka ayaa qabo in Dowlad Goboleedyada Iskaashi sameystaan

3

- Advertisement -

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

- Advertisement -

Wareysi uu siiyay Tv-ga BBC-da ayuu sheegay in Maamulka  Puntland uu qeyb weyn ka qaadatay dhisida nidaamka federaalka,isla markaana Puntland waxkasto ay ku bixisay lana xoojin doono.

Waxa uu Madaxweyne Dani sheegay in Dastuurka dalka uu qabo in maamul goboleedyada ay is kaashadaan oo ay wax wada qabsadaan.

“Is kaashiga waxaa qabo Dastuurka dalka, waana kasii mid ahaan doonaa golaha iskaashiga dowlad goboleedyada” ayuu sheegay Madaxweyne Dani.

Golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka ayaa waxa uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyaa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

waxa uu soo hadal qaaday dagaalka ama xiisada kala dhaxeysa Soomaaliland,waxana uu sheegay in Soomaaliland ay kusoo xadgudubtay deegaanada Puntland loogana baahan yahay inay deegaanadeeda dib ugu laabato.

Si kastaba in kastoo uusan ku dheeraan ka hadalka Golaha Iskaashiga ayaa hadana dad badan waxa ay isweedyiinayaan in uu ka mid noqon doono iyo in kale,waxana Golaha Iskaashiga oo khilaaf kala dhaxeeya Dowladda Federaalka hadda ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Halkaan hoose ka daawo Wareysiga Madaxweyne Dani

Siciid Deni

DAAWO: Wareysi gaar ah oo madaxweynaha cusub ee Puntland uu siiyay BBC Somali ayuu kaga hadlay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada iyo muranka Xudduudda ee Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland kala dhexeeya. https://bbc.in/2D1yJb2

Publicerat av BBC News Somali Onsdag 9 januari 2019

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More