DEG DEG: Shirkii Afisyoone oo guul-darro ku dhammaaday

Muqdisho (Axadle) – Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday mid mid ah qodobadii ugu adkaa.

Qodobka la isku mari waayey ayaa ahaa in ajandaha shirka lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh, islamarkaana uu madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadda amniga ku wareejiyo ra’iisul wasaare Rooble, taasi oo Farmaajo uu ku gacan seeray.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo musharaxiinta mucaaradka kula mideysan Madasha Badbaado Qaran, ayaa qaba in kadib wixii dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo ciidamada amniga ay weerareen musharaxiinta, aan Farmaajo lagu aamini karin amniga doorashada.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa guul-darro shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Farmaajo ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ogolaaday in ka qeyb-galaaysha shirka la ballaariyo, laguna soo daro qaar ka mid ah mucaaradka, balse waxa uu diiday inuu mas’uuliyadda, amniga iska wareejiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More