Dayax-gacmeedkii ugu horeeyay ee Suudaan oo hawada loo diray

Khartoum waxaay sheegtay in dayax gacmeedku, oo ay farsameyey Shiinaha, wuxuu cilmi-baaris ku sameyn doono militariga iyo sidoo kale arrimha bee'adda.

12,265

KHARTUUM, Suudaan – Dayax-gacmeedkii ugu horeeyay ee Suudaan ay u direyso cilmi baaris la xiriirta milatariga, dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda hawada ayaa waxaa gannay Shiinaha.

- Advertisement -

Golaha maamulaya dalkaas dhaca qaaradda Afrika ayaa si rasmi ah wuxuu ugu dhawaaqay warkan.

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, madaxa golaha madaxa banaan, ayaa Talaadadii tilmaamay in dayax-gacmeedka lagu diray kulan ka qabsoomay magaaladda caasimada ah ee Khartuum.

Sidda laga soo xigtay al-Burhan, shirkaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ugu sareysa hay’addaha ammaanka.

“Ujeedka dayax-gacmeeda waa horumarinta Tiknoolajiyadda hawada, helitaanka xog si lamid ah wax soo saarka kheyraadka ee uu milatariga u baahan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xinhua, wakaaladda wararka ee China, ayaa xustay in dayax-gacmeedka Sudan Remote Sensing Satellite [SRSS-1] laga gannay Axadii gobolka ku yaala waqoyga Shiinaha ee Shanxi.

Afhayeen u hadlay Golaha talada haya, Mohamed al-Faki, ayaa u sheegay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, “in muddo bilo gudahooda ah laga soo maamuli doono Suudaan”.

“Shiinaha wuxuu u gannay dayax-gacmeedka maadaama uu qayb ka yahay mashruucan,” ayuu raaciyey.

Suudaan, dal la diriraya dhaqaalo burbur, ayaa sanadihii u dambeeyay ajandeyaashiisa ugu horeeya waxaa kamid ahaa dhaqdhaqaaqyada la xiriira hawada iyo macluumaadka bariga.

2013-kii, dowladdii Suudaan ee uu hogaaminayey madaxweyne Cumar Al-Bashiir, ayaa sameysay Machadka Daraasaadka Culuumka Hawada, taas oo qayb ka ah horumarinta Tiknoolajiyadda.

Al-Bashiir oo ay milatariga xukunka ka tuureen bishii April kadib mudaaharaadyo ka dhashay sarre u kaca maciishada kuwaas oo dalka ruxay ayaa hadda xabsi ugu jira eedeymo musuqmaasuq.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More