#Dawladda Islaamiga ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii Sri Lanka

Wasiirka gaashaandhiga ee Sri Lanka ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay Dalkooda ay jawaab uu ahayeen dilka Muslimiinta ee Christchurch

7,989

Mas’uul ka tirsan dowladda Sri Lanka ayaa shaaciyey natiijo horudhac ah oo kasoo baxday baaritaanka weeraradii maalintii Axada ee lagu laayey in ka badan 300 ruux.

Sidda ay kasoo xigatay warbaahinta, wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhacdooyinkii ruxay wadankaasi “loogu aargudayey” Muslimiintii lagu xasuuqay laba Masjid oo ku taalla New Zealand.

Ku dhowaad 50 Muslimiin cibaadeysaneysay ayaa si aan kala sooc lahayn loogu laayay laba Masjid oo ku taala Christchurch ee dalka New Zealand, bishii Maaj ee sanadkaan.

Inkasta oo uu ka dhawaajiyay warkaasi, haddana wasiirka ma uusan soo bandhigin caddeymo muujinaya sheegashooyinkiisa.

Geesta kale, kooxda la magac baxday dowlada Islaamka [Daacish] ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weeraradaasi oo lagu beegsaday Kaniisado iyo Huteelo nooca loo tamashlo tago ah.

Wakaalada wararka u faafisa kooxdaasi ee Amaq News Agency ayaa ku dhawaaqday warkaan, inkasta oo aysan tafaasiil dheeraad ah aysan ka bixin.

Munaasabad aas wareed loogu sameynayo dadkii ku dhintay qaraxyadii maalinta labaad ee todobaadkaan ayaa ka socoto Kaniisad ku taala galbeedka Sri Lanka, halkaasi oo 100 ruux lagu khaarijiyay.

Booliska ayaa daboolka ka qaaday in 40 ruux loo soo qabtay duulaankaasi lagu bilaabay baaritaan iyada oo wadankaasi lagu soo rogay xaalad deg deg ah, oo ujeedada laga leeyahay lagu sheegay in xasiloonida lagu soo celiyo.

Sikastaba ha ahaatee, sideed qarax oo is-miidaamin ahaa ayaa loo adeegsaday weerarada Sri Lanka oo lagu beegsaday iyada oo Masiixiyiinta ay u dabaaldegayeen ciidada Ester-ka.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More