#Darsiin shiciib Ah oo Maanta ku Dhintey qarax ka dhacay Afgooye

962,096

Inta la Xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay la socdeen dad rayid ah meel u dhow magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa baabuurka, darawalkii iyo kirishboygii ay wada dhinteen oo aysan cidna ka bad-baadin.

Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa u sheegay in dhinteen dadkii gaariga watay dhamaantood,waxa uuna u tacsiyeeyay ehelada dadka ku dhintay Qaraxa maanta ka dhacay.

“Dhamaan dadku waa dhinteen Xataa ma jirin qof dhaawacantahey” ayuu hadalkiisa raaciyay

Waxa uu sheegay in Gaariga Qaraxa lala eegtay ay wadatay ganacsatadda ka shaqaysatada Caanaha xoolaha ee laga keeno Gobolka Shabeellaha hoose ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ma jirto Cid sheegatay masuulida qaraxaan waxaase Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ku eedeeyay qaraxaan Al Shabaab.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More