DANAB oo sheegtay in Sarkaal katirsan Al-Shabaab ku dishay

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayay saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay dileen sarkaal katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Deegaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa dhacay kadib markii Ciidamada DANAB ay heleen xog la xiriirta sarkaalka katirsan Al-Shabaab sidaasina uu ku dhacay waa sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Ciidanka DFS.

Dowladda Federaalka ma aysan dhaafsiin xogta howlgalka dilka ah in kaliya qofka la dilay uu ahaa Sarkaal katirsan Al-Shabaab, mana soo bandhigin magaciisa iyo halka uu Shabaab u qaabilsanaa.

Dhanka kale deegaanno hoostaga Janaale waxaa ka dhacay howlgal baaris ah oo ay sameeyeen Ciidamada CXD, ujeedka ayaa ahaa in soosaarita Miinooyinka jidka Al-Shabaab geliyo iyo adkeynta Amniga sida ay ku xog-warrameen saraakiisha Ciidanka.

Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa kusoo kordhay howlgalada Ciidamada Dowladda Federaalka ay kawadaan deegaanno dhowr ah, waxaana barbar socda weeraro iyo qaraxyo miino jidka la geliyo oo Al-Shabaab sameyneyso.

Saraakiisha Ciidamada DFS ayaa sheegay in howlgalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed in ay ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More