Dagaalyahannada Ciraaq ‘waxa ay ku heshiiyeen xabbad-joojin

Mohi wuxuu sheegay in gantaalada lagu garaacayo ciidamada Mareykanka iyo xarumaha diblumaasiyadeed ay aheyd kaliya ‘fariin ah in aadan ku soo dhaweyn doonin dalka’ [Faylka: Aala al-Marjani / Reuters]

Kooxo hubaysan oo reer Ciraaq ah oo ay taageerto Iraan ayaa isku raacay in la joojiyo weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyagoo shuruud ku xiray in dowlada Ciraaq ay soo bandhigto jadwalka ka bixitaanka ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah kooxahaasi.

“Jabhaduhu waxa ay soo bandhigeen xabad joojin shuruudaysan,” ayuu yiri Mohammed Mohi, afhayeenka kooxda Kataib Hezbollah ee ay Iiraan taageerto.

“Waxaa ku jira dhammaan kooxaha ka soo horjeeda [Mareykanka] oo ay ku jiraan kuwii bartilmaameedsanayay ciidamada Mareykanka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mohi wuxuu sheegay in dowlada ciraaq ay qasab ku tahay in ay dhaqan galiso qaraar baarlamaanku uu soo saaray bisha janaayo kaasoo ku baaqaya in ciraaq laga saaro ciidamada shisheeye.

Go’aanka baarlamaanka wuxuu yimid ka dib markii duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka geysteen garoonka diyaaradaha Baghdad bishii Janaayo 3dii lagu dilay Jeneraalkii ugu sarreeyay Iran Qassem Soleimani iyo madaxii ugu sareeyay shiicada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo iska hor imaad buuxa oo Iran iyo Mareykanka ku dhexmara dhulka Ciraaq.

Mohi wuxuu sheegay inaysan jirin waqti kama dambeys ah oo ay dowladda u fuliso go’aanka, laakiin wuxuu ka digay: “Haddii Mareykanku ku adkeysto inuu sii joogo oo uusan ixtiraamin go’aanka baarlamaanka markaas kooxaha waxay isticmaali doonaan dhammaan hubka ay wataan.”

Waxa uu sheegay in gantaalada Katyusha ee lagu garaacay ciidamada Mareykanka iyo xeryaha diblomaasiyadeed ay ahayd kaliya “fariin ah in aan Maraykanka laga rabin dalka Ciraaq” ayna dhici karto in weeraro ka xun ay dhacaan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa Kooxda Kataib Hezbollah ku eedeynayaan tobanaan weerar oo gantaallo ah oo lala beegsaday xarumaha Mareykanka ee Ciraaq.

Kataib Hezbollah waa iska diiday eedaymahaas. Kooxo yar yar oo aan horey loo aqoon ayaa sheegtey weerarada qaar. laamaha amniga ee Ciraaq ayaa aaminsan in kooxahaasi ay xiriir la leeyihiin Kataib Hezbollah iyo kooxo kale oo waaweyn oo Iran la safan.

SOURCE : NEWS AGENCIES