Dagaal udhaxeeya soomaali iyo kenyaan

Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Booranta oo ka dhacay deegaanno ku dhow Wajeer & Gaarisa ee gobolka Soomaalida Kenya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku dhimatay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maamulka Gaarisa iyo Wajeer ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay la wareegto gacan ku heynta deegaanka Booranta oo duulaan ku ah dhulka Soomaalida ee NFS isla markaana bartilmaameedsanaya dadka shacabka ah ee deegaanka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa weli kacsan, waxaana inta badan Soomaalida la weeraray la sheegay inay yihiin xoolo dhaqato, kuwaas oo daaqoodii la xanibay, ayay ku doodayaan.

Dadkii deganaa dhowr meelood ayaa ka qaxay aaga iyaga oo ka baqaya aargoosi, maadaama dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada isla markaana mas’uuliyiintu aysan awoodin inay wax ka qabtaan

Xigasho VOA SOMALI / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More