Dagaal-ooge Ntaganda oo 30 sano oo xabsi ah lagu xakumay

1,247,815

WASHINGTON, US — Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada, ayaa 30 sano oo xarig ah ka xakuntay, hogaamiyihii hore ee jabhadda mucaaradka Congo, Bosco Ntaganda, kaddib markii lagu helay danbiyo ka dhan ah aadanaha.

- Advertisement -

Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa Ntaganda bishii July ku helay 18 danbi oo ay ku jiraan dil, kufsi, dumar la adoonsaday si loo kufsado iyo carruur uu askareeyay.

Maxkamaddan oo ku taalla magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa markii ay isku dartay dambiyada lagu soo oogay ninkani, ay ciqaabteedu noqotay 218 sano, balse kusoo koobtay 30 sannadood.

Bosco Ntaganda ayaa xabsi lagu hayay tan iyo bishii March ee sannadki 2013-ki. Muddadaasi uu xirnaa ayaa laga jari doonaa 30-ka sano ee hadda lagu xakumay, sidda ay sheegeen garsooreyaasha.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadaha lagu soo oogay, Ntaganda ayaa inkiray inuu yahay “dilaa iyo danbiile dagaal” wuxuuna isku sifeeyay “ruux aanan geysan wax dambi ah”.

Dadweynaha dalkiisa ayaa durba ku kala qeybsamay xukunka. Qaar sheegtay in ay dhibaney u yihiin isaga ayaa soo dhaweeyay, halka kuwa kalena ay ku sifeeyeen “mid cadaaladda ka fog”.

ICC oo hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa wajaheyso dhaleeceymo culus, kuwaas oo ay kamid tahay in ay kaliya xukuno ku rido shaqsiyaadka Afrikaanka ah ee dambiyadda geysta.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More