#Dad ka qeyb galayay Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo ku dhaawacmay Rasaas ay fureen Ilaalada Hoolka Sahal

8

3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Kulan Muxaadaro diini ah oo Sheekh Kenyaawi uu ku qabanaayay Hoolka Sahal oo ku yaalla Agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Askari ka tirsan Ilaalada Shirka Sahal ayaa xabado furay ka dib markii uu buuxsamay Hoolka ay ka socotay Kulanka Muxaadaradda ah, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 3 qof sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Boqolaal qof ayaa xaadiray kulanka, waxaana sidoo kale banaanka dhooban Boqolaal kale, maadaama goobta ay tahay mid aan qaadin.

Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo cinwaankeedu ahaa Walaalka cafi walaal ayaa waxa hoolka lagu qabanayay buuf dhaafiyay shacabka Muqdisho ayadoo kuwa badan ay banaanka taaganyihiin.

Sheikh Kenyaawi oo soo gaaray Hoolka Sahal ayaa lahadlay Dadweynihii muxadarada kasoo qeyb galay waxuuna ka raaligaliyay culeesyadii ay maanta la kulmeen isagoo u sheegay in meel goobtaan ka balaaran uu ku qaban doono maxaadarada sidaas darteyda waxuu dib-udhigay muxadardii.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More