#Dabkii ka kacay Suuqa bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo

4

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxda gurmadka dab damiska ay inta badan ku guleystay bakhtiijinta dabka,

Goob-joogayaal suuqa ku sugan ayaa Warbahinta u sheegay in xaalada suuqa ay hadda soo hagaageyso isla markaana dabkii caawa qabsaday xoogiisa la bakhtiyey, lagana hortagay inuu ku sii fido qeybaha kale ee suuqa.

Gaadiidka dab-demiska ee Maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo kale oo ay leeyhihiin shirkadaha ganacsiga qaarkood ayaa dedaal badan ka dib ku guuleystay iney xakameeyaan dabka oo socday muddo dhowr saacadood ah.

Ciidamada amaanka iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa ku sugnaa suuqa Bakaaraha kuwaasoo dusha kala socday sida uu u socday gurmadka lagu deminayey dabkan.

Dabka ayaa gurmadka ka horbaaba’shay goobo ganacsi gaar ahaan qeybaha huudheyda, maacuunta iyo bacadlaha suuqa, waxaana halkaas ku gubtay hanti fara badan oo illaa hadda aan la ogeyn qiyaasteeda.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee dabkan kicisay haddana warar qaarkood ayaa sheegaya inuu ka dhashay xargaha kortontada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More