#Dab weyn Oo Goor-dhawayd Qabsaday Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

4

War goor dhaw naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dab weyn uu qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayey wararku sheegayaan inuu ka bilowday qeybta huudheyda, uuna ku faafay maacuunta iyo qeybaha kale ee suuqaasi

Dabka ayaa sidoo kale si gaar ah u saameeyey qeybta bacadlaha gaar ahaan suuqa loo yaqaano Suuq Al-khaliifa

Meelaha qaar waxaa laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada nabad-galyada oo lagu kala kaxeynayo dadka halkaa isugu soo xoomay, iyada oo laga cabsi qabo in uu dhaco boob hantiyeed.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.

Suuqa Bakaaraha waxaa uu ka mid yahay guud ahaa halbowlayaasha ganacsi ee ugu weyn marka la eego qaarrada Africa, waana goob ay ku uruursan yihiin hantida inta badan ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ku yaala xarumaha ugu waaweyn ee shirkaddaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ee dalka.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More