Waxaa Wiilkeena Lagui dhexdilaay saldhiga Howl-wadaag

0

Muqdisho (Axadle) – Ehellada marxuum Cabdishakuur Muxiyadiin Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkooda lagu dhex dilay saldhiga Howl-wadaag ee Caasimadda Muqdisho, kadibna laga qaatay hantidiisi gaarka aheyd.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in markii hore uu Taliyaha saldhiga Howl-wadaag uu xabsiga dhigay Cabdishakuur Iimaan, markii dambena uu ku dhex dilay, ayada oo macal kabihiisi lala aasay, sida ay sheegen.

“Wiil shaqeysanaya oo Bajaaj wata inta lasoo qabto oo meel amni ah la keeno oo ku dhinto, anaga oo Xamar buuxna haddana la qaado oo duugo wax la aqbali karo maaha. Hay’addaha uu khuseeyo waxaa ka codsaneyna in arrinkaas gacan bir ah ku qabtaan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada marxuumka ee la hadlay warbaahinta.

“Waxaa codsaneyna in cadaalad uu helo (Cabdishakuur), waxaa ka rabaa dhamaan hay’addaha ay khuseyso oo uu ugu sareeyo Taliye Xijaar in cadaalad la imarsiiyo, waan idinka sugaa, waxaan idinka rabnaa in cadaalada iisoo de-dejisaan ama dhahdaan wax cadaalad ah idinma hayno.”

Sidoo kale waxay sheegen in Cabdishakuur si sharci daro ah ay usoo qabteen ciidan ka tirsan saldhiga Howl-wadaag, xili uu ku shaqeysanayay Bajaajtiisa, islamarkaana lagu dhex dilay saldhigaas, ayada oo mas’uuliyada dilkaas dusha u saaray saraakiisha sare ee saldhiga Howl-wadaag.

Axadle, si madax-banaan uma xaqiijin karto qaabka uu u dhacay dilka Cabdishakuur iyo cida ka dambeysay, marka laga imaado xogta ay bixiyeen ehellada marxuumka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More