Daawo: Beesha Sheekh Cali Dheere oo ka hor-timid natiijada b…

Muqdisho (Axadle) – Qaar kamid ah odayaasha beesha Saruur oo maanta kulan ku yeeshay Caasimadda Muqdisho ayaa ka hadlay baaritaan laga soo saaray dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo kamid ahaa mas’uuliyiinta samafalka ka shaqeeya ee gobolka Mudug.

Waxay sheegen in marnaba aysan fileyn qaabka shalay loo shaaciyey natiijada dilka Sheekh, ayada oo guddiga loo xilsaaray baarista dilkaas ay shaaciyeen dad ay ku sheegen inay ku cadaatay dilka Sheekh Cali Dheere, halka ay dalbadeen in mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug iyo maamulkaas sharciga lala tiigsado.

Odayaasha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay arrintaas, oo ay sheegen in dad gaar ah lagu bartilmaameedsaday, islamarkaana ah gef, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxyaabo faro badan ayaa soo if-baxayay dhimashada Sheekha ka bacdi, waxaa xeerinayna wax badan, aamusnaantada aan aamusanahay kama turjumeyn dad aan fahmi kareyn waxa ku dhacaya laakiin waxaanu fiirineyn dhaawaca iyo xanuunka ay leedahay geerida,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

“Shir jaraa’id ayey qabteen dadna wey magacaabeen, oo shaqsiyaad ayey target-gareeyen, waxaan rabnaa in aan meesha ka cadeyno oo aan u sheegno walaalaheen anagu waxaa nahay dadka Mudug dega, waxaana ka samirnay wax aan xaq u laheyn, markaa waxaa maanta na xanuujiyanaya anaga oo Mudug degan inay walaalaheen target-gareynayaan dad shaqo u tagay.”

Odayaasha beesha Saruur ee maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxay si kulul uga hadleen tabasho ay ka qabaan beesha Sacad, oo ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo ka taagan Gaalkacyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More