C/wali Gaas oo ka hadlay kalsoonidii Baarlamaanka Puntland uu kala laabtay Golahiisii wasiiradda

4

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa goor dhow ka hadlay go’aankii ay Baarlamaanka maamulka kalsoonidii kala noqdeen Golahiisa wasiiradda.

C/wali Gaas ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay codka kalsoonida ugala noqdeen Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Puntland oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo ridista lagu sameeyay Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in qodob dastuuri ahi uu qabo in Baarlamaanka uu kala diri karo Golaha Wasiirada, sidaasi daraadeedna uu u hogaansamayo go’aanka Xildhibaanada.

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro. Dastuurka Puntland, ayaa Madaxweynaha u ogolanaya in muddo 21 cisho uu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas, ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay is dejiyan. Sidoo kale ciidamada, ayuu amray inay xoojiyan nabadgelyada.

Gaas, ayaa dadka ka codsaday inay ciidamada kala shaqeeyan, sidii ay ammaanka uu xaqiijin lahaayen.

Xildhibaanada maamul Goboleedka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe, ayaa cod aqlabiyad leh ku riday Golaha Wasiirada, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
info@axadletimes.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More