Cuba oo DFS kala hadashay habka loosoo furan karo dhaqaatiir

Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa xiriir telefoon la sameeyay dhiggiisa Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay kawada hadleen habka loosoo furan karo dhaqaatiir u dhalatay dalkaas oo gacanta Al-Shabaab ku jira muddo sanad ka badan.

Bruno ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loo fududeyn karo soo deynta Assel Herrera & Landy Rodriguez oo ah labada dhaqtar ee Afduubka ku maqan.

“Xiriir telefoon ayaan la sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan u bandhigtay qorshaha iyo talada lagu soo furanayo dhaqaatiirta laga soo afduubtay Kenya ee afduuban, waxaana bogaadinayaa taageerada DFS & ka go’naanta tallaabada lagu soo deynayo maxaabiista” Sidaasi waxaa qoraal ku yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba.

Cuba ayaa dooneysa in iskaashi saddex geesood ah loo adeegsado soo furashada labada Dhaqtar ee Gacanta Al-Shabaab ku maqan, maadaama Soomaaliya, Kenya & Cuba isku xirkooda lagu dhalin karo xorriyada labada dhaqtar.

Sababta saddexdaan dowladood muhiim ugu yihiin sii deynta dhaqaatiirtu waa, Soomaaliya oo lagu tuhmayo in Al-Shabaab ay ku heysato, Kenya oo laga soo afduubtay & Cuba oo ay u dhasheen, isla markaana cadaadis waalidka maqanayaasha uu saaran yahay.

Assel Herrera & Landy Rodriguez waxaa xogtooda la waayay bishii April sanadkii hore 2019-kii oo ku beegan markii la afduubtay iyaga oo ku guda jira howlaha gargaarka bani aadamnimo ee deegaannada Kenya dhinaca Soomaaliya.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More