Codbixiyaasha Tuniisiya waxay u codeynayaan tartanka madaxtinimo ee aan la saadaalin karin

Ma jiro horjooge cad oo tartanka ka dhex muuqda, Marka la fiiriyo 24 murashax ee uu tartamaya madaxtinimada.

24,144

Codbixiyaasha Tuniisiya ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimada ee sida aadka ah loogu tartamayo ee dalkaasi.

Waa doorashadii labaad ee madaxweynaha. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Zine El Abidine Ben Ali. Kaas oo loga saaray  xukunka kacdoonkii 2011 ka dhacay wadankaas.

Doorashadan Axadda. Waxaa dhacaysa xili la maqlay geeridii July ee madaxweynihii 92-aad Beji Caid Essebsi, oo xilka hayey tan iyo 2014.

In kabadan todoba milyan oo qof ayaa xaq u leh inay doortaan 24 ka mid ah dadka u tartamaya. Kuwaa oo ay ku jiraan qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Tuuniisiya.

Madaxweynaha Tunisiya wuxuu leeyahay awood xaddidan – oo mas’uul ka ah siyaasadda arrimaha dibedda. Gaashaandhigga iyo amniga qaranka.  Wuxuuna ka garab shaqeynaya raysal wasaare ay soo doorteen baarlamaanka kaasoo awood u leh arrimaha gudaha.

Musharixiinta waa inay helan boqolkiiba 50 codbixinta si ay ugu guuleystaan ​​maalinta Axadda. Laakiin hadda midkoodna rajo kama qabo inuu aqlabiyad helo. Balse Waxaa shardi ah in labada qof ee leh codadka ugu badan waxaay u gudbi doonaan wareega labaad, ee tartanka codbixinta.

Goobaha codbixinta ayaa furmay 8-da subaxnimo (07:00 GMT). Waxay furnaan doonaan illaa 6-da fiidnimo, halka kuwa kalena la xiri doono laba saacadood ka hor sababo amni dartood.

Musaharaxiinta waxaay ahayeen markii hore 26 . Halkaas oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ay laba musharrax ay uga tanasuleen tartanka Wasiirka Difaaca Abdelkarim Zbidi wax yar ka hor ololaha doorashada Sabtida.

Zbidi wuxuu balan qaaday inuu badali doono dastuurka Tuniisiya si loo xoojiyo madaxtinimada.

Musharixiinta Ugu Cadcad.

Musharaxiinta Ugu Cadcad waxaa ka mid ah Milkilaha Nabil Karoui media – Isaago shabaqa Gadaashisa kujira sababo la xiriira baaritaan lacag isdaba bariin oo socda. Abdelfattah Mourou, oo matalaya xisbigiisa Ennahdha ee Islaamiyiinta, iyo Raysal Wasaaraha Youssef Chahed.

Goobaha codbixinta ayaa laga sheegi doona natiijadda habeenka Axada iyo Isniinta ay kala wareegayaan. Laakiin natiijooyinka horudhaca ah lagama filayo guddiga doorashada illaa Talaadada.

Taariikhda wareegga labaad iyo wareegga ugu dambeeya lama shaacin. Laakiin waa inay dhacdaa ugu dambeyn Oktoobar 23 ugu dambayn waxayna dhici kartaa isla maalinta codbixinta sharci-dejinta, ee loo muddeeyay Oktoobar 6.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More