[Ciise Tarabuun] ayaa lagu wargeliyey in uu tago safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

25,870

Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi [Ciise Tarabuun] ayaa lagu wargeliyey in uu tago safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Qoyskiisa oo meesha ka saarey in uu ku lug-leeyahay arrimo argagixiso ayaa sidoo kale waxay kula taliyeen in uu u sheego Booliska goobta uu joogo kadib marka uu tago xarunta safaarada.

Ciise Tarabuun oo ay doondoonayaan laamaha ammaanka Kenya ayaa bishii Maaj e 2019-kii waxaa sii daysay dowladda Soomaaliya kadib markii uu “dhameystay xukun laba sano oo xarig ah”.

Xukunkaas ayaa garka loo geliyay markii lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo. Eedeymahaas oo lagu waayey ayaa waxaase loo xukumay dacwad kale oo ah “in uu amniga Qaranka halis uu ku yahay”.

Illaa iyo haatan ma cadda hadii booliska Kenya ay gacanta ku dhigeen Ciise Tarabuun ama in uu kasii talaabaday wadankaas.

– Xisbul Islaam –

Ciise Tarabuun ayaa markii koowaad la qabtay 2015-kii. Qabashadiisa oo ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa timid markii uu ka jawaabay telefoonka sarkaal lagu raad-joogay.

Sarkaalkii uu telefoonkiisa ka jawaabay ayaa sanadkii 2016-kii waxaa duqeyn dhanka cirka ah ku dilay ciidamadda Mareykanka.

Mr Ciise oo xubin ka ahaa Xisul Islaam ayaa ku jiray raggii lasoo goostay Xasan Daahir Aweys. Balse markii uu yimid Muqdisho waxaa gabaad siiyey mid kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa xustay in markii Ciise Tarabuun xorriyadiisa loo celiyay 2016-kii ay isku afgarteen in uu la shaqeyn doono. Balse in uu jebiyey heshiiska waxay keentay in 2017-kii lasoo xiro.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More