Ciidanka Soomaaliyeed oo howl galo ka sameeyay deegaano hoostaga Kismaayo

369,819

Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

- Advertisement -

War ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howl galo ka sameeyeen deegaanada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

“Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab oo is garabsanaya ayaa hawlgallo ka sameeyay Deeganada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose. Hawlgallada oo socday muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa ay sababtay in kooxda argagixisadda Al-Shabaab ayaa deeganada iskaga baxay” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland hogaaminaysa ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amaanka deegaanada hoostaga Magaalada Kismayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

“Hawlgalkan waxaa looga gol lahaa xaqiijinta ammaanka, waxaana ay ciidanka la kulmayn bulshada deeganadaas waxayna kala hadleen dadka deegaanka in argagixisadda ummadda ragaadisay meel looga soo wada jeedsado”.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in ciidanka Jubbaland ay deegaannada howlgalka laga sameeyey ay weli ku sugan yihiin,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay ridiyaan ciidanka halkaasi ku sugan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More