Ciidanka Dowladda oo guulo ka sheegtay howlgalo ay ka

Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ay ka fuliyeen tuulooyin ku dhow degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta waddanka.

Axmed Xasan Siyaad, taliye ka tirsan ciidamada howlgalka qaadey, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay dileen toban dagaalame kuwaasoo ay kamid yihiin laba sarkaal wallow uusan shaacin magacyo.

Sidda uu sheegay taliye Siyaad, waxaa intii howlgalku socday ay ciidamadda dib u qabsadeen degaano kala duwan oo xuduud la leh gobolka deriska ah ee Shabeellaha Dhexe balse ma carabaabin deegaanadaasi.

“Cadowga Ummadda Soomaaliyeed waxay wajahayaan cadaadis xoogan, waxaana ciidamadda sii laba jibaarayaan howlgaladooda” ayaa yiri, isagoo ka gaabsaday in uu ka waramo waxyeeladda soo gaarey dhankooda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalka ama sheegashada ciidamadda oo kasoo baxay dhanka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa mudooyinkaan dambe kordhiyay weerarada toos ah iyo kuwa gaadmada ah ee ay kaga hor imaanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo fariisimo ku leh inta badan goboladda Koofuurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada ciidamadda oo u muuqda kuwa la laba jibaaray ayaa imaaneysa xilli ay soo dhowaaneyso waqtiga doorashada.

Hogaamiyaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuldareystay in uu dhaqan-geliyo balanqaadkiisa ahaa in uu Al Shabaab dalka uga saarayo laba sano, mana jirto deegaano laga qabsaday Al Shabaab marka laga soo tago Afarta buundo ee gobolka Shabeellaha hoose oo loo arkayay halka laga soo galiyo qaraxyada caasimada wadanka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More