Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb!

Wararka ka Imaanaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in galabta dagaal kooban oo u dhexeeya ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miir-dugul oo khiyaastii 25 KM dhanka Koofur Bari ugu began Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan guutada 15 aad qayta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ka baxay magaalada Dhuusamareeb kuna sii jeeday deegaanka Miir-dugul ayaa waxaa wadada ugalay xubno ka tirsan Al Shabaab taas oo keentay in dagaal kooban uu halkaasi ka dhaco, waxaana ciidanka Dowladda oo dib u soo gurtay fariisimo ka samaystaan duleedka magaaladda Dhuusamareeb sida saraakiisha Dowladda u xaqiijiyeen Axadle.

Ciidanka Dowladda oo ah kuwii Ahlusunna ee ku biiray ciidanka Xoogga dalka ayaa saraakiisha hoggaaminaysa waxa ay Axadle u sheegeen in dagaalka oo koobnaa uusan dhankooda wax khasaaro ah ka soo gaarin balse ay dib u soo gurteen.

“Waxa aan ka baxnay magaaladda Dhuusamareeb marka aan ku sii dhownahay deegaanka Miir-dugul ayaan aragnay Xubno ka tirsan Al Shabaab dagaal ayaa na dhexmaray ka dibna taliska ayaa na amray in aan dib u soo gurano” ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday in magiciisa loo adeegsado warbaahinta la hadlay Axadle.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in  ciidanka xoogga dalka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanada dhaca bariga Bariga Dhuusamareeb oo ay ku suganyihiin dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Al Shabaab dhankooda wax wara kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Miir-dugul ee gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa dhawaan laba weerar ku qaaday ciidanka AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladda Dhuusamareeb,waxaana socda howlgalo ciidanka Dowladda sheegeen in ay kula wareegayaan tuulooyinka ay maamulaan Al Shabaab ee u dhexeeya degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More